War Deg Deg:-Cabdiwali Cali Cilmi Yare oo La Xaqiijiyay in La Dilay

0

Waxaa goordhaweyd la Xaqiijiyay dhimashadda Cabdi Wali Cali Cilmi Yare oo ahaa Ninkii sheegtay Nabinimada,kaasi oo xarun ku lahaa Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhanka maamulka Galmudug.

C/wali iyo 10-kamid ahaa Ilaaladiisa ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxii Labaad ee ka dhacay Gudaha Xarunta,oo saakay weerar qorshaysnaa ay ku qaadeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab.

Dhanka kale waxaa lasoo afjaray weerarkii lagu qaaday Xarunta,waxaana xarunta la wareegay Ciidamadda Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaan waxa ay sheegeen in ay dileen Cabdi Wali Cali Cilmi Yare oo ahaa Ninkii sheegtay Nabinimada.

Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Galmudug, oo loogu hadlayo qaraxyadda Ka Dhacay magaaladda Gaalkacyo.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here