Ciidanka Amniga oo Fashiliyay Qarax Lagu Aasay Xaafad Kamid ah Muqdisho+Sawirro

0

Ciidamadda ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Hodan ee Gobolka banaadir  waxa ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan qarax Miino oo la aasay.

War ka soo baxay Hay’adda Nabad sugidd iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayna soo dhigeen barta ay ku leeyihiin Twitterka ayaa lagu sheegay in ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan Miinadaasi oo ku aasnayd xaafadda KPP ee degmadda Hodan.

“Ciidanka Booliska iyo NISA, oo wada shaqayn ka helay bulshada ayaa markii  labaad asbuucaan gudihiisa bixiyey Miino iyo walxa kale oo  qarxa, oo ay  Shabaab ku duugeen kasoo horjeedka misaajid kuyaala Xaafadda KPP ee degmada Hodan”,ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay NISA.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here