Hay’adda NISA ayaa sheegtay in ay hakisay Qandaraasyo malaayiin Doollar ah oo baxay sanadihii la soo dhaafay.
Warkan ka soo baxay Taliska NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay in qandaraasyadan la hakiyay uu saxiixay Wasiirkii Hore Amniga C/risaaq Cumar Maxamed, islamarkaana loo gudbiyay Hanti-dhoorka guud ee Qaranka.
“Maanta, oo ah 3-da Nofembar 2018, NISA waxay hakisay una gudbisay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, qandaraasyo malaayiin doolar dhan, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay, uuna saxiixay Wasiirkii hore ee amniga,si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso” ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay Hay’adda oo lagu baahiyay Barta Twitter-ka NISA
Dhanka kale Wasiirkii Hore ee amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa arintaan ka hadlay.
Waxa uu sheegay in munaasab aanu eheyn in dib loo soo faago arintan, Maadaama uu laba sano ka hor xilka iska wareejiyay.
“NISA oo Masuul xil horay u hayay si daahfurana xilkaas ugu wareejiyay Masuulkii xilka kala wareegay in aay dacaayad raqiis ah baraha bulshada soo dhigaan 2 sano ka dib iyado loga gol leeyahay in la isku cabsi geliyo. Waxaa nasiib darro ah in NISA iskubedeshay NSStii kaligitaliska”ayuu yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

