Gudoomiyihii Degmada Holwadaag oo Xilka Laga Qaaday iyo Mid Kale oo La Magacaabay

0

Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Degmadda Holwadaag isagoo magacaabay Gudoomiye Cusub.

Gudoomiyihii Degmada Hawlwadaag C/kariin Cali Kaar ayaa xilkii laga qaaday,waxaana lagu bedelay Mahad Cabdi Caraale oo ka tirsanaa Shaqaalaha Gobolka Banaadir.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qorshahaan uu ka dambeeyay Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Isbedelka Maamulka Degmada Hawlwadaag ayaa muddo soo jiitamaayay, waxaana, lagu guuleystay ugu dambeyn maanta xilka Gudoomiyaha Degmada in loo magacaabo Mahad Cabdi Caraale.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here