Wararkii Ugu Danbeeyay Weerar Lagu Dhaawacay Gaashaanle Dhexe Khaliif Shiine Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Qarax nooca Remote Control-ka lagu hago ah oo lala beegsaday gaari uu la socdey Taliyaha Saldhiga degmada Hiliwaa Gaashaanle Dhexe Khaliif Shiine iyo Ciidamo la socday oo marayay dhanka Shaleemo Cabdi Waayeel ee Magaalada Muqdisho.

Gaashaanle Dhexe Khaliif Shiine iyo ciidamo saarnaa gaadiidka Booliska ayaa gurmad ahaan ugu baxay ka hor qaraxa Miino, ciidamo kale oo lagu weeraray Fariisin ay ku leeyihiin degmada Hiliwaa.

Inta la Xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa uu dhaawac kasoo gaaray Gaashaanle Dhexe Khaliif Shiine oo ah Taliyaha Saldhiga degmada Hiliwaa ee Muqdisho.

Dhanka kale Wali Majirto Cid sheegatay Masuuliyada qaraxa lala eegtay Gaashaanlaha Iyo ciidamadiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here