Ciidamo katirsan Al Shabaab ayaa Xalay weerar ku qaaday Fariisin Ciidamada Dowladda ay ku leeyiyiin Shaneemo Cabdi Waayeel ee degmada Hiliwaa.
Sarkaal katirsan ciidamada dowladda ee ka howlgala degmada Hiliwaa ayaa Simba u sheegay in Xoogag katirsan Al shabaab ay weerar ku qaadeen ciidan katirsan kuwa Xooga, balse lska caabiyay khasaaraha soo gaaray ciidamadana uu iska yar yahay.
Dhanka kale inta uu socday dagaalka u dhaxeeyay Ciidamada Xooga iyo kuwa Al shabaab ayaa waxaa ciidamada weerarka la kulmay loo diray gaadiid Boolis ah oo gurmad ahaan ugu socday Ciidamada dowladda ee lagu Weeraray Cabdi Waayeel degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.
Gadiidka Booliska ee ciidamada gurmadka u ahaa ayaa mid kamid ah la kulmay qarax miino oo dhaliyay khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac ah.
Saraakiil katirsan Ciidamada dowladda ayaa Simba u sheegay in qaraxa uu dhaawac uu kasoo gaaray Gaashaanle Dhexe Khaliif Shiine, ka dib qarax lala eegtay gaari uu saarnaaa.
Wararkii ugu danbeeyay saakay ayaa sheegaya jawiga inuu yahay mid degan,lakin saakay isku socodka dad weynaha uusan sidi maalmahii hore oo kale aheeen.

