Xaalada Qaxootiga Soomaaliyeed ee Canada + Akhriso

0

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR ayaa weydiisaneysa dowladda Canada inay dib u dejin u sameeyaan qaxooti fara badan oo ka imaanay geeska Africa, iyagoo xooga saaraya qaxootiga soomaaliyeed oo ku dhawaad 20 sanao ay dalkooda ka socdeen

Mohamed Abdi Affey, oo ah wakiilka UNHCR ee geeska Africa oo todobadkan ku sugnaa magaalada Ottawa ayaa barlamaanka iyo saraakiisha sare ee waddanka Canada kala xaajooday xaaladda cakiran ee qaxootiga geeska Africa, waxa uu sheegay in ka badan 1 million oo qaxooti Somaali ah inay joogaan dunida daafaheeda, qaar kamid ah qaxootigaas waxa ay ku nool yihiin xerada qaxootiga Dadaab ee Kenya wax ka badan 27 sano.

“Dhibaatada qaxootiga Soomaalida ah ayaa halis ku ah in la iloobo xaalad qalafsan waxaana sabab u ah  dareenka caalamiga ah ee xaaladaha degdegga ah ee ka jira Suuriya, Yemen, Koonfurta Suudaan,” Mr. Affey ayaa ku yiri wareysi uu siiyey  Globe iyo Mail Wednesday. “Qayb ka mid ah kaalintaydu waxay ahayd inay diiradda saarto qaxootiga oo ay raadiso xal.”

Mid kamid ah xalalka ay soo jeedisay UNHCR ayay ku weydiisatay waddamada sida Canada inay qaabilaan qaxooti fara badan oo Somaali ah, gaar ahaan kuwa ugu nugul, sida kuwa ku jira xaaladaha degdegga ah iyo hooyooyinka kaliga ah. Mudane Affey ayaa si toos ah codsigan u hor dhigaya wasiirka socdaalka waddanka Canada Ahmed Hussen, oo nafsad ahaantiisa Canada ku yimid qaxootinimo xilligii uu da’da yaraa.

“Wasiirka ayaa si daacadnimo ah u soo dhaweeyay fikradda ah in waddanka Canada uu sii wado dadaalkaan, waxaana rajeyneynaa sanadaha soo socdo in tirada qaxootiga lagu sameyn doono hagaajin,” Mr. Affey ayaa sidaas  yiri, isaga oo sharraxaya kulankiisa uu la yeeshay wasiirka isbuucaan .

Somalia ayaa lugaha la gashaya dagaalo sokeeyey sanadkii 1991 markaasoo ay burburtay dowladdii dhexe ee Somalia oo uu majaraha u hayey Mohamed Siyad Barre, tan iyo xilligaas waxaa Somalia ka jiro musiibooyin iyo dagaalo sababay barakac fara badan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here