Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho
Qaraxa ayaa ah mid xoogan oo meelo badan oo katirsan Muqdisho laga maqlay waxuuna si gaar ah kaga dhacay meel aan sidaa kaga fogeyn Isgoyska Sayidka ee Magaalda Muqdisho.
Wararka gaarka ee Simba ay heleyso ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashaygaari la dhigay wadada, gaar ahaan intabu dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo Sayidka ee magaalo madaxda Soomaaliya.
Laamaha Amaanka iyo Booliska ayaa buux dhaafiyay goobta uu qaraxa hada ka dhacay.
Wali majirto faah faahin rasmi ah oo Jugta qaraxa laga hayo.




