Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay weerar shalay lagu dilay 5-ruux, kaasi oo ka dhacay Deegaanka Lafoole.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Maamulka uu aqoonsaday dadkii ka dambeeyay dilalka.
Waxa uu sheegay in dadka falka geystay ay ahaayeen Maleeshiyo beeleed islamarkaana dadka la dilay loo beegsaday arrimo qabiil.
Dhanka kale waxa uu sheegay in gacanta lagu hayo darawalkii gaarigii ay saarnaayeen dadka dilka loo geystay kaasi oo aan waxba loo geysan.
Waxa uu sheegay in ay shaki weyn ka qabaan wadihii gaariga,madaama uusan waxba ku noqon weerarka lagu dilay dadka isku qoyska aha.
Ugu dambeyntii waxa uu ka dalbaday Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Dolwadda Dhexe in ay ka gacan siiyaan baaritaanka arintaan.

