Taliska howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM ayaa beeniyey wararka sheegaya in Al- Shabab ay dileen 30 kamid ahaa askartooda kadib weerar lagula eegtay gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia.
Taliska ayaa ku tmaamay wararkaasi kuwo been abuur ah islamarkaana looga dan leeyahay in si qaldan bulshada loogu gudbiyo howlgalada ammaanka ee ka dhanka ah al-Shabab oo ay iska kaashanayan AMISOM iyo ciidamada ammaanka Somalia.
“AMISOM waxay beenineysaa wararka ay sheegayaan warbaahinada kuwaasoo ah in 30 kamid ah askarteena lagu dilay weerar qarax ah oo lagula bartilmaameedsaday gobolka Hiiraan isniintii” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay AMISOM.
Xarakada AL- Shabab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaan waxa ayna intaa ku dareen inay weerarkaas ku dileen 30 askari oo Ethiopian ah kuwaasoo qeyb ka ah ciidamada AMISOM.
Ciidamadan ayaa lala eegtay qaraxa oo ahaa miinada remote-ka laga hago iyagoo kasoo baxay Beled-Weyne kuna sii jeeda Kalabeyr oo u dhow xaduuda ay wadaagaan waddamada Somalia iyo Ethiopia.
Si kastaba ha ahaatee AMISOM ayaa sheegtay in kaliya 4 askari ay kaga dhaawacmeen weerarkaas miinada ah isla markaana lagu dabiibayo isbitaal ku yaallo magaalada Beled-Weyne .
“AMISOM waxay ugu baaqeysaa bulshada inaysan ka welwelin wararka been abuurka ah waxa ayna sii joogteyneysaa la shaqeynta ciidamada amniga Somalia si ay usoo celiyaan nabadda iyo xasiloonida dalka.” Ayaa sidoo kale lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay AMISOM.

