Madaxa Xukumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa shaaciyay inuu aqbalay baaqii Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayna ka qeybgelayaan gogosha uu fidiyay.
Qoraalka Sheekh Shaakir wuxuu u muuqdaa inuu laalay ama diiday qodobadda heshiiskii ka soo baxay shirkii Garowe ee Madaxweyneyaasha maamul goboleedyadda.


