Ciidamadda ilaaladda badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay inay qarxiyeen doon ay burcad badeeda Soomaaalida leedahay oo isku dayday in ay afduubato markab sitay calanka Hong Kong oo marayey bad weynta Hindiya.
Kooxdan lagu tuhunsan yahay burcad badeeda ayaa weeraro badan lagu qaaday horaantii bishaan balse weeraradaas ma aysan guuleysan.
Ciidamadda ilaada badda ayaa sheegay inay gubeen doonta si ay uga hortagaan weeraro kale oo dheeri ah.
Doonta la gubay wax lagu dhuftay gantal yar oo laga soo tuuray maraakiibta ciidamadda ilaalada badda ee midowga Europe waxaana laga helahay gudaha doontaas agabka ay sida weyn u isticmaalaan burcad badeeda.
Weerarada burcad badeeda ay ka geystan xeebaha Somalia ayaa hoos u dhacay 10 kii sano ee lasoo dhaafay waxaana taas sabab u ah joogitnka maraakiibta midowga Europe iyo Nato ee badweynta Hindiya.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo uusan jirin weerar guuleystay oo ay burcadeedu ka fuliyeen xebaha Somalia in ka badan sanad iyo bar.

