Faah-faahin:-Ganacsade Nuur Kheyr oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.

Rag Bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay Ganacsade Nuur Kheyr oo kamid ahaa Saamileyda Shirkadda SOM Meat ee ka howlgasha Magaaladda Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal rag hubeysnaa ayaa Marxuumka toogtay xili uu ku sugnaa Waddada 2aad ee Suuqa Bakaaraha.

Dilka kadib kooxaha hubeysnaa ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana goobta soo gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda Dilkaan ka dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.

Dilkaan ayaa imaanaya xili Ciidmadda amaanka Dowladda Soomaaliya ay howlgal ka wadaan isla Suuqa Bakaaraha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here