Xarakadda AL-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Ganacsade maanta lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.
Ragg ka Tirsan Al-shabaab ayaa duhurnimadii maanta waxa ay ku dileen Ganacsadaha, Nawaaxiga Shirkadda Dahabshiil ee Suuqa Bakaaraha oo ku taalla wadada labaad ee suuqaasi.
Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Nuur Khayre Guutaale oo ka mid ah ganacsatada Suuqa bakaaraha, gaar ahaan Saamileyda Shirkadda SOM Meat oo ka howlgasha Magaaladda muqdisho.
Warar lagu baahiyay baraha Al-shabaab ayay ku sheegeen Mas’uuliyadda dilka Ganacsade Nuur,waxayna sheegeen in ninkan uu ka mid ahaa ergadii soo xushay xildhibaannada baarlamaanka ee ka yimid dhanka maamul Goboleedka Galmudug.

