Xildhibaan Farmaajo Usoo Jeediyay Habka Loo Maamuli Karo Maamul Goboleedyadda

0

Warar isdaba-joog ah oo warbaahinta bulshada aad u hadal heysay toddobaadkii tagay,  ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Aqlabiyadda Aqalka Guud ee kenya Aden Ducaale uu sheegay in uu shir kula yeeshay gudaha waddanka madaxweynaha cusub ee gobolka Soomaalida Ethiopia, waxa uuna sheegay inay sii wadi doonaan tageerada amaanka iyo xasiloonida dalalka geeska Africa .

Barta Twitter-ka ayaa lagu soo bandhigay muuqaalo muujinaya in Mr Duale uu ku lug lahaa arimaha Somaliya. Xildhibaanka laga soo doorto magaalada Gaarisa ayaa si sahlan ku qabsaday warbaahinta Somalia iyo wddamada jaarka la ah.

Xildhibankan ayaa dhawaan u gudbiyey masuuliyiinta dowladda federalka Somalia arrimo badan oo muhiim u ah dowladda Somalia kuwaasoo si aad ah looga welwewlsanaa.

Wareysi uu bixiyey ayuu Mr Duale kaga codsaday madaxweynaha SoomaaliyaMaxamed Cabdullaahi Maxamed in la yareeyo kacdoonnada sii kordhaya ee u dhaxeeya dawlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada.

“Madaxweyne Farmaajo, waxaad u baahan tahay inaad muujiso sabir iyo hoggaan si loo joojiyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee Soomaaliya. Waa inaad u dhaqantaa sidii aabe oo arrintan aad wax uga qabato, iyadoo qof walba ka dambeeya, “ayuu ku taliyay Mr. Ducaale, isagoo tixraacaya isbeddelka khilaaf ee hadda ka dhexeeya dawlada dhexe iyo kuwa maamul gobolleedyada.

Bishii hore, intii lagu guda jiray shirkii magaalada Kismaayo ee madaxda maamul goboleedyada Puntland, Hirshabelle, Koofur galbeed, Jubaland iyo Galmudug ayaa waxa ay madaxda maamuladaas ka dhawaajiyeen inay xiriirka u jareen dowladda dhexe ee Somalia oo uu madaxweyne ka yahay maxamed cabdullahi maxamed farmajo.

“Dagaalka siyaasadeed ee sida maalinlaha ah u dhaca waxaa ka dhasho dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan waxa uuna arrintaasi ku tilmaamay mid ceeb ah oo laga xishoodo”,. Ayuu Mr Ducaale u sheegay hogaamiyayaasha Soomaalida.

Ilaa iyo hadda, madaxweyne Maxamed iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa ayaa ka hor imaan hadalka siyaasigan Kenyanka ah balse hogaamiyeyaasha gobollada aya si weyn u naqdiyey hadalka siyaasigan iyagoo u arko mid dacayad ah.

Markii la weydiiyay haddii uu ka walwalsan yahay hadalladiisu ay ahaayeen kuwo faragalin ku sameeynaya arrimaha waddan kale, ayuu  Mr Ducaale ku jawaabay: “Waa maxay faragalinta?”

Mr Duale oo la hadlayey Sunday Nation ayaa hadalkiisa ku soo gebogebeeyey xasuusinta  awoodiisa shakhsi ahaaneed iyo inuu yahay xubin ka mid ah bulshada jaaliyadda Soomaalida eek u dhaqan waddanka Kenya isla markaana uu wakiil ka yahay dowldda Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here