Qaramadda Midoobay oo Baaq Muhiim ah u Dirtay Dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab  

0
Xubno Katirsan Xarakada Al shabaab

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa muujiyay sida uu u taageerayo dhibanayaasha qaraxii xasuuqa ahaa ee sanad kahor ka dhacay isgoyska soobe ee magaalada muqdisho intii lagu guda jiray munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta ugu weyn ee QM ay ku leedahay magaalada muqdisho ee caasimadda Somalia.

Qaraxii isgoyska soobe ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof waxaana ku dhaawacmay tiro dad ah oo gaaraya 316 qof waxaana uu kamid yahay weerarrada argagaxa leh ee ugu dhimashada badan qaaradda Afrika islamarkaana loo adeegsaday waxyaabaha qarxa. mid ka mid ah dadkii ku dhintay qaraxaas ayaa xubin ka ahayd shaqaalaha barnaamijka horumarinta QM waxaana lagu magacaabi jiray Faiza Sheekh Maxamuud.

“Maaddaama aan sharfeyno xusuusta dadkii dhuntay maanta, waxaan ugu baaqayaa xoogagga xag-jiriinta ah in ay ka fogaadaan isticmaalka aaladaha qaraxa dhaliya ee IEDs,” ayuu yiri Mr Haysom.

“Sababtoo ah dabeecadda aan kala sooca lahayn ee weerarrada loo adeegsado aaladaha qarxa dhaliya inta badan dad ay dhibaatadu kasoo gaarto waa kuwo aanwaxba galabsan sida ragga, haweenka iyo carruurta. Uma jeedo ujeeddo siyaasadeed oo weligeedba u adeegeyso dilka dadka rayidka ah. ”

Ergeyga Gaarka ah ee QM wuxuu sidoo kale ku amaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay uga go’antahay hormarinta dalka Somalia inkastoo ay jiraan dhacdooyin xun oo argagixisanimo leh mararka qaarna dhaco.

“Fikradaha noocan ah ayaa sidoo kale u soo baxaya dadka ka badbaaday qaraxaas halista ahaa ee dhacay 14 Oktoobar 2017,” ayuu yiri Mr Haysom. ” waxa uuna hadalkiisa kusoo gabagabeeyey in dadkaas iyo kuwa ay jecel yihiinba ay awood u leeyihiin inay ka gudbaan dhibaatooyinka jireed iyo kuwa maskaxeed ee uu ku reebtay weerarkas naxdinta leh.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here