Baarlamaanka Galmudug Garabta Dhuusa-Mareeb oo Doortay Gudoomiye

0

Baarlamaanka Maamulka Galmudug garabka Magaaladda Dhuusa Mareeb ayaa galabta doortay Gudoomiye Baarlamaan  oo cusub,kadib markii ay dhawaan xilka ka qaadeen Cali Gacal Casir.

Kulan galabta ka dhacay Magaaladda Dhuusa Mareeb,islamarkaana ay ka qeyb galeen 137 xildhibaan ayaa lagu doortay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulka galmudug.

Doorashada Gudoomiyaha waxaa u tartamay ilaa seddex musharax oo kala ah Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmad , Xildhibaan Aadan Xaaji, iyo Xildhibaan Salaad Caynte.

Natiijadda wareega koowaad ayaa noqotay Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmad oo helay 93 cod, Xildhibaan Aadan Xaaji oo helay 37 cod iyo Xildhibaan Salaad Caynte oo helay 5 cod.

Intaan loo gudbin wareegii labaad waxaa tanasulay musharixiinta kala ahaa Xildhibaan Aadan Xaaji, iyo Xildhibaan Salaad Caynte waxaana sidaas doorashada ugu guuleystay Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmad oo helay 93 cod.

Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in Gudoomiye Baarlamaan ay doorteen islamarkaana howlaha galmudug ay meesha kasii socon doonaan.

Tani ayaa muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka madaxda Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here