Xarakadda Al-shabaab ayaa galabta Fagaare ku yaala Degmadda Jilib ee Gobolka jubadda Dhexe waxa ay ku toogteen 5-nin ay ku eedeeyeen Jaajuusnimo.
Ragga la toogtay ayaa lagu soo qabtay Howlgal ay sameeyeen Ciidamadda Al-shabaab,waxaana qirteen in ay la shaqeynayeen sirdoonadda Dowladaha Mareykanka,Ingriiska iyo Dowladda federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale ragga la toogtay ayaa qirtay in ay ka dambeeyeen shirqoolo lagu dilay dad soomaali ahaa.
Magacyadda xukunka toogashadda lagu fuliyay ayaa kala ahaa
1-Cabdi casiis Cabdi Salaam Sheekh Xasan oo 22 sana jir ah,wuxuu la shaqeynayay mareykanka,2-Maxamed Cabdullaahi Cawil oo 35 sana jir wuxuu la shaqeynayay Mareykanka,3-Jeyllaani Cabdullaahi Nuur oo 36 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay Sirdoonnada Mareykanka iyo dowladda Federaalka,4- Cawaale Axmed Max’med waa 32 sana jir, wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Ingiriiska ee loo yaqaan MI6,5-Cabdu Qaadir Isxaaq Amiin wuxuu jawaasiis dowladda Federaalka

