Madaxweyne Xaaf oo Dowladda Dhexe Ku Eedeeyay in Tabashadooda Wali Xalin

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle, ayaa dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb, ee Caasimadda Galmudug,Kadib safar labo maalin qaatay oo uu ku gaaray Jimcihii dalka Kenya.

Madaxweyne Xaaf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay halkaasi si aan rasmi aheyn ay iskugu arkeen Hogaamiyayaasha Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleeyada Dalka, islamarkaana ay ku balameen in 10 Bisha October, ay ku kulmaan magaalada Garoowe ee caasimada Dowlada Puntland.

Dhanka kale, Madaxweyne Geelle ayaa tilmaamay ineysan wali jirin wax wadahadal oo dhexmaray Dowlada Federaalka iyo Golaha iskaashiga, walina tabashadoodii aanan xal loo helin.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here