Akhrisi:-Farmaajo iyo RW Kheyre oo Kursiga u Badbaadiyay Madaxweyne Waare

0

Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa xalay ka laabtay Mooshinkii 5-tii bishaan ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Maamulkaas Maxamed Cabdi Waare.

Kulan xalay ka dhacay Jowhar  ayaa lagu shaaciyay in laga laabtay Mooshinka,islamarkaana ay la fiiriyay Danta dalka iyo mida Dowladdd Goboleedka Galmudug.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi  Maxamed Farmaajo, Raisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre inay waqti ku bixiyeen baajinta Mooshinka Waare.

“Dowladda Somaliya oo ugu horeeyo Madaxweynaha, Raiisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada waan u mahadcelinayaa juhdiga badan ee ay ku bixiyeen sidii arrintaan loo xalin lahaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle.

Arintaan ayaa imaanaya xili  xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo haatan Dowladda Dhexe iyo madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, kadib markii uu dhawaan ka sheegay magaaladda Muqdisho in uu ka laabtay go’aankii xiriirka loogu jaray Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here