Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay Musharaxnimadiisa Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xafladd lagu taageerayay Musharaxnimadiisa ayaa ka dhacday Baydhabo,waxaana ka qeyb galaya xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed,Siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magalada Baydhabo.
Qaar kamid ah ka qeyb galayaashii Xafladda ayaa u muujiyay Muqtaar Roobow in ay taageersan yihiin Musharaxnimadiisa,waxayna sheegeen in la joogo xiligii isbadal ka dhici lahaa Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), afhayeenkii Hore ee Shabaab oo xiritaanka xafladda ka hadlay ayaa ka dalbaday Xildhibaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay u doortaan Xilka Madaxweynaha Maamulkaas.
Waxa uu sheegay in uu la dagaalami doono Xarakadda Al-shabaab,islamarkaana uu furi doono wadooyinka ay xireen.
Sidoo kale waxa uu sheegay in uu la dagaalami doono qabaa’ilada Wadooyinka KG xirtay, iyo ragga ku labisan dareeska Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee ku sugan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Baydhabo.




