Akhriso:-Kulamo Siyaasadeed Loogu Horjeedo Dowladda Dhexe oo Ka Socda Nairobi

0

Kulan u dhaxeeya qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, Siyaasiyiin iyo xubno ka socda beesha Caalamka ayaa ka dhacaya magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Magaaladda Nairobi waxaa ku sugan Madaxweynayaasha maamulada Puntland , Galmudug , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland,waxayna kulamo gooni gooni ahaa ay la qaateen Xubnaha beesha Caalamka.

Kulamadda horudhaca ah ayaa diiradda lagu saaray khilaafka Dowladda Dhexe ee Maamul goboleedyada kaasi oo hataan maraya heerkii ugu xumaa.

Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay in madaxweynayaasha maamuladda Hir-shabeelle iyo galmudug  Maxamed Cabdi Waare iyo Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), aysan kulamo ka qeyb gali doonin sababo la xiriira mowjado siyaasadeed oo ku furan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here