Hay’adaha amaanka Jubba-land ayaa maanta Magaaladda Kismaayo kusoo bandhigay nin da’ ah oo lagu eedeeyay in uu toorey ku dhaawacay Wiil yar oo da’diisa lagu sheegay Hal sano iyo bar.
Axmed Cusmaan Haafow ayaa lagu soo qabtay Howlgal Laga Sameeyay kismaayo,waxaana loo haystaa dambi ku aadan in uu toorey ku dhaawacay wiil yar sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska Magaaladaas.
Waxaa la sheegay in eedeysane Axmed Haafow uu Canuga ka dhaawacay Qoorta iyo meel kale,islamarkaana oohintiisa ay kusoo baxeyn waalidkiisa, madaama uu joogay meel ku dhow guriga.
Ilaa haatan lama oga sababaha ku kalifay ninkaan in uu dhaawacyo wiilka yarka.



