Galgaduud: Dhalinyaro Walaalo Ah Oo Sabab U Noqday Dhimashada Naftooda + Akhriso

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya laba wiil oo ku dhintay bam ay garaacayeen tuulada Bali-cad oo qiyaas ahaan 10 KM dhanka waqooyi kaga beegan degmada Dhabad ee gobalka Galgaduud.

Labadan wiil oo walaalo ahaa ayaa sabab saday Bam yaalay Ex xeradii ciidamada koowaad ee dowladda Soomaaliya oo xiligaasi dagaal taariikhda galay la gashay ciidamadii Military-ga Itoopiya sanadkii 1977.

Laba wiil ee Walaalaha ahaa ayaa lagu qiyaasay Da’dooda 15 iyo afar 14 sano jir, kuwaa oo isla goobta ugu geeriyooday Bam mirir ahaa oo biro iyo waxyaabo kale ay ku garaacayeen.

Deegaanka Bali-cad ayaa ku yaal xuduuda gobalka Galgaduud uu la wadaago Somaaliya Galbeed.

Inta badan gobalka Galgaduud ayaa mararka qaar dhacda sidaan oo kale iney ugu dhintaan dhalinyarada yar yar oo aan aqoon fog ama wacyi galin ka heysan Bambaanooyin sanado hore lagu aasay dhulalkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here