Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax abaare 12:30-daqiiqo ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Qaraxaan oo dhawaqiisa laga maqlay Xaafado kamid ah magaaladda, ayaa ka dhacay isgoyska Ex-Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee wadada warshadaha oo sidoo kale aargadada looga leexdo wadada gasha degmada Dayniile.
Sida naloo xaqiijiyay qaraxaan oo loo adeegsaday Gaari Noah ah ayaa lagu dhuftay Kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan malateriga Talyaaniga oo halkaas marayay.
Waxaa la xaqiijiyay in qaraxaan uu burburiyay mid kamid ah gaadiidka Ciidamadda Dowladda talyaaniga,islamarkaana sidoo uu dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askarta, iyo dad shacab ahaa.
Goobta uu qaraxaan ka dhacay ayaa waxaa goordhaweyd gaaray Ciidamadad amaanka Dowlada,waxaana la xiray wadada.





