Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa ku waramaya in Ciidamadda Al-shabaab ayaa saakay aroortii ay la wareegeen deegaanka Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30 Km ujira Magaalada Baydhabo.
Sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiil ka Tirsan Ciidamadda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay deegaanka,waxaana halkaas isaga baxay Ciidamadii Dowladda Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dhanka kale warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in Ciidamadooda ay la wareegeen deegaanka Goofguduud Buureey, islamarkaana ay daabusheen dhammaan saadkii ciidan ee yiillay saldhigyada Melleteri oo ay ka baxeyn ciidamada maamulka ‘Koonfur Galbeed’.

