Roobow oo Laga Hadlay in uu Xaq u Leeyahay in uu Isku Soo Taago Xilka KGS

0

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), uu xaq u leeyahay in uu isku soo sharxo xilka Madaxweynaha Maamulkaas.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda Maaliyadda Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Cabdi Saytuuni oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Dastuurka Mamaulka uu dhigayo in muwaadin kasta oo kasoo jeeda KGS  uu xaq u leeyahay in uu u tartamo Kursiga Madaxtinimadda Maamulka.

Waxa uu sheegay in Shiikh Muqtaar Roobow Cali uu yahay shaqsi kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya,islamarkaana uu u tartami karo Xilka ugu sareeya maamulka.

Dhanka kale Wasiiru Dowlaha wasaaradda Maaliyadda Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Cabdi Saytuuni ayaa sheegay in si weyn loogu diyaar garoobay doorashadda Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Soomaliya oo dhacaysa bisha November ee sanadkaan 2018-ka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here