Banaanbax Sababay in La Xiro Wadooyin oo Ka Socda Muqdisho+Sawirro

0

Banaan-bax ay dhigayaan Ganacsatada ku ganacsan jirtay Suuqa Kalluunka Degmada C/casiis ee Gobolka banaadir ayaa haatan ka socda Gudaha Degamdaas.

Sida naloo xaqiijiyay Banaanbaxaan ayaa salka ku haya ganacsatada oo loo diiday inay ku ganacsadaan Suuqa Kalluunka Degmada C/casiis, kadib markii Ganacsato kale  ay la wareegeen.

Banaanbaxayaasha ayaa xiray Isgoyska Jubba illaa Taalada Daljirka Dahsoon,waxayna sheegeen inay sugayaan masuuliyiinta dowladda oo illaa arrintaan ay kala hadlaan aysan wadada fureyn.

Dhanka kale qaar kamid ah Banaanbaxayasha oo la hadlay warbaahinata ayaa sheegay in ganacsato ay iibsadeen dhulka Suuqa kalluunka, islamarkaana arrintaasi ay tahay mid dhibaato ku ah ganacsigooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here