Gudoomiyihii hore ee maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), ayaa ka digay in la rido madaxwenihii labaad ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Dabageed oo la hadlay idaacadda Simba, ayaa sheegay in aan la joogin xiligii xilka laga tuuri lahaa Waare, islamarkaana uu yahay shaqsi ku haboon hogaaminta Maamul goboleedka Hir-shabeelle.
Sidoo kale Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in Hir-shabeelle ay wali curdun tahay islamarkaana aan la joogin xiligii wax la dhaliili lahaa ama la amaani lahaa.
Hadalka Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan, ayaa kusoo aadaya xili Xilhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle Hir-shabeelle ay wadaan mooshin ka dhan ah Madaxweyne Waare, oo lagu eedeeyay in uu fadhiit ka dhigay Maamulka.

