Maxamed Xaashi Cabdi Carabey Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug ayaa ka hadlay khilaafkii u dhaxeeyay madaxda Maamulka Galmudug halka uu marayo, iyo waan-waantii laga dhex waday labadda garab.
Carabey ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay in la xaliyo Khilaafka Madaxda Galmudug,islamarkaana intiisa badan haatan la xaliyay.
Dhanka kale madaxwyne xaaf ayaa dhawaan sheegay inuu ogaa in la xilayay khilaafkii kala dhaxeyay isga iyo ku xigeenkiisa balantana ay aheyd inay dhuusamareeb isu raaceen balse uu sheeg inay inaysan taasi dhicin wuxuuna tuhmayaa inay faragalin dhinaca dowlada ah jirto.
Khilaafka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa ka dhashay qaabkii loo Maray isku darkii Galmudug iyo sidoo kale maamulka Ahlusunna.

