Faah-faahin:-Al-shabaab oo Xalay Weerar Culus Ku Qaaday Degmadda Afgooye

0

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakadda Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaa Degmadda ka weeraray seddex jiho,waxaana u suurta gashay in ay la waregeen Degmadda, kadib markii awood loo sheegtay ciidamadii Magaaladda ku sugnaa,inkastoo saqdii dhexe ee xalay Shabaab ay isaga baxeyn.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka Degmadda Degmadda Afgooye waxaana Magaaladda cabsi galiyay dhawaqa hubka culus oo labadda dhinac ay isweedaarsanayeen.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta  Degmadda Afgooye oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in dagaalka uu khasaare dhaliyay,islamarkaana Ciidamada dowladda loogu dilay 3-askari,halka khasaare la gaarsiiyay Ciidamadii Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa kordhiyay mudooyinkii dambe weerarada ay ku qaadaan Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo 30KM u jirta Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here