Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa ku booqday Hooygiisa Madaxweynihii hore ee soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uga warbixiyay Xaaladda guud ee Dalka iyo guulaha lagu talaabsaday.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo dhoweyn heer sare ah u sameysay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo wafdi wasiirro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga XFS ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynihii Hore ee Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shalay soo gaaray Magaaladda muqdisho, tan iyo markii doorashadii ka dhacday dalka looga guulaystay, islamarkaana talada dalka uu si rasmi ah u wareejiyay.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu ku dhawaaqo xisbi siyaasadeed oo isaga uu guddoomiye u noqon doono, kana qeyb galaya doorashada ka dhaceysa dalka 2020-2021.



