War Deg Deg Ah:- Duqeymo Ku Socda Magaalada Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro madaafiic ah oo hada  ku dhaceysa qaar kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir.

Duqeymahaan ayaa hada inta lasoo wariyay waa ay kusoo dhaceen xaafada Buurhindi iyo laanta xarunta degmada warta nabda ee Magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Ilaa hada lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay duqeynta laga maqlayo magaalada, wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo hoobiyaashaasi iney ka dhashaan khasaare kala duwan.

Sarkaal katirsan ciidamada dowladda Ayaa sheegay in duqeynta ay ka dhalatay khasaare dhimasha iyo dhaawac ah oo soo gaartay shacab ku dhaqan degmada wardhiigleey ee gobalka Banaadir.

Waxi Kusoo Kordha Kala Soco www.simbanews.com

Ama Facebook: Radio Simba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here