Faah Faahin: Toogasho Ka Dhacday Magaalada Muqdisho

0

Ciidamada Minashiibiyada ee Canshuurta dowladda hoose ayaa maanta magalada Mudisho ku dilay  Darawal Mooto Bajaajle ahaa marayay sarta Sanca degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Simba ayaa sheegay in askari katirsanaa ciidamada cashuuraha qaada uu toogtay wiil dhalinyaro ahaa kana mid ahaa wadayaasha Mooto Bajaajka oo marayay Isgoyska Sanca.

Laamaaha amaanka dowladda ayaa goobta soo gaaray waxaana isla goobta isaga tagay askarigii ka danbeeyay dilka wiilkaasi ku xamaalnayay ama qutulyoonkiisa ka raadsanayayay Mooto Bajaajka.

Maamulka degmada Yaaqshid oo xiriiro aynu la sameynay ayaa suura galin si wax looga weydiyo dilkan caadada ka noqday magaalada Muqdisho ee lagula kaco wadayaasha Mootooyinka Bajaajka loo yaqaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa caadi ka noqday dilalka bareerka ee lagula kaco dhalinyarada ka shaqeysa wadida Moota Bajaajka oo dowladda Soomaaliya ilaa hada war aan kasoo saarin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here