DEG DEG: Banaan Bax Ka Socdo Hada Magaalada Muqdisho + Sawirro

0

Dad careysan ayaa isugu soo baxay goordhaw degmada Kaaraan ee magaalada muqdisho kuwaa oo aad uga xumaaday dil maanta Isgoyska Sanca ugu geystay askari katirsan ciidamada Cashuuraha qaada ee dowladda hoose ee Xamar mid kamid ahaa wadayaasha Moota Bajaajka magaalada Muqdisho.

Shacabkan ayaa xiray Isgoyska Sanca iyo xaafado katirsan degmada Kaaraan kuwaa oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo ilaa hada wax ka qaba la dilalka sida maalayacniga loogu geysto magaalada muqdisho dhalinyarada ka shaqeysta gadiidka dadweynaha ee Moota Bajaajka.

Sawiro laga soo qaaday dadka isku soo baxay ayaa muujinayay iyaga oo gubaya taayaro iyo dhagxaan lagu jaray wadooyinkaasi shacabka careysan goordhaw ay isugu soo baxeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here