Dowladda Oo Shaacisay In Gacanta Lagu Dhigay Shabakad Ajaaniib Qaraxyada U Farsameysa Al Shabaab

0

War kasoo baxay dowladda Soomaliya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay xubno katirsan Al-shabaab gaar ahaan rag katirsan shabakadaha Amniyaadka iyo kuwa Qaraxyada Al shabaab u qaabilsan.

Taliyaha ururka 49Aad guutada 10Aad ee ciidanka dowladda Xidigle Faarax Maxamed turbac ayaa warbaahinta afka dowladda ku hadasha u sheegay in ragga ay ciidamada Xoogga ay howlgalka kusoo qabteen ay Al-shabaab u qaabilsanayeen Amniyaadka dilalka qorsheysan fuliya iyo shabakad qaraxyada  u diyaarisa dagaalyahanad Alqaacidda Somaaliya ee Al shabaab oo ka kooban Ajaanib iyo Soomaali.

Faarax Maxamed turbac ayaa sheegay in hada gacanta ciidamada dowladda ay ku jiraan 10 oo ka tirsan Xoogaga Al-shabaab, inkastoo aysan jirin cid ka madax banaan sheegashada dowladda oo xaqiijin karta in gacanta lagu dhigay xubo katirsan dagaalyanada Al shabaab ee Soomaaliya.

Hogaanka ama Warbaahinta Xarakada Al shabaab kama hadlin warka kasoo baxay dowladda Soomaliya ee lagu sheegay in gacanta lagu dhigay Ciidamada Al shabaab ee fuliya dilalka iyo farsamada Qaraxyada.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here