Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa ku waramaya in Al-shabaab ay xalay madaafiic ku weerareen Saldhig Ciidamadda Ethopia ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Degmadda Garba-haarey.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka ilaa 5-madfac ayaa lagu weeraray saldhiga Ciidamadda Malatariga Ethopia ee Degmadda Garba-haarey.
Madaafiicda lagu weeraray saldhiga Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay haleeleen bartilmaameedyadii gaarka ah ee labeegsaday, sida ay sheegeen Xarakadda Al-shabaab.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay Madaafiicda xalay lagu weeraray saldhiga Ciidamadda Dowladda ethopia Degmadda Garba-haarey Ee Gobolka Gedo.

