faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil goordhaw ka dhacay degmada Wardhiigleey.
Goobjooge la hadlay Goordhaw Idaacada Simba ayaa sheegay askari katirsanaa ciidanka dowladda oo kamid ahaa ciidamo fariisin ku lahaa xaafada Nationlink in lagu toogtay halkaasi, qoray uu watayna askariga horay ay usii qaateen dableydii ka danbeysay dilkaasi.
Laamaaha amaanka ayaa goobta soo gaaray kuwaa oo meesha ka qaaday meydka askariga la dilay horayna looga qaatay qoraygiisa, sido kale sidii caadada aheyd kooxihii dilka ka danbeeyay ayaa goobta isaga baxsaday sida looga bartay dilal badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Maamulka degmada wardhiigleey oo xiriiro ay la sameysay Simba si wax ay kaga weydiso dilka askari ayaa ga gaabsaday iney faah faahin inaga siiyaan sida dhacdadaasi ay u dhacday.
Waxii Kusoo Kordho Kala Soco Facebook Radio Simba
Ama www.Simbanews.Com Ama .Net

