War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa.

Dilkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Siinaay ee Magaladada Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah,rag ku hubeysnaa bastooladdo ayaa geystay falka dilka ah ,waxayna durbadiiba ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Dilka kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya,waxaana socda baaritaano lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka.

Dhanka kale meydka wiilka dhalinyaradda ahaa ee la dilay ayaa la geeyay Isbitaalka Jaziira oo ku yaalla Isgoyska foloronsa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here