Raisul wasaaraha dalka Ingiriiska Theresa May ayaa la sheegay in ay booqasho ku imaan doonto dalka Kenya iyadoona kulan xasaasi ah la qaadan doonta madaxweynaha dalka Kenya Uhura Kenyatta Sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska reysul wasaaraha dakaasi.
Mrs Theresa May oo ah raisul wasaaraha dalka Uk ayaa noqon doonto midi ugu horeysay mudo 30 sano ah oo booqasho ku tagta dalkaasi iyadoona lafilayo in ay sidoo kale booqato dalalka Nigeria iyo South Africa.
Kulan lafilayo in ay yeeshaan labadaasi masuul ayaa lasheegay in ay kawada hadli doonaan xariirka udhaxeeya labadaasi dal iyo amaanka gobolka iyo sidii dowlada Kenya looga gacan siin lahaa dagaalka kadhanka ah Al-shabaab.
Raisul wasaaraha dalka Ingiriiska ayaa marka ay kulan laqaadato madaxweyne uhura Kenyatta booqan doonto xarunta tababarka ee ciidamada ingiriiska ay kuleeyihiin dalkaasi
Madaxweynaha dalka Kenya uhura Kenyatta ayaa safar dibada oo uu kumaqnaa in uu kuyimaado dalkiisa kadib markii uu kulan layeeshay madaxweynaha dalka mareykanka Donlad Trump oo looga hadlaayay amaanka gobolka iyadoona la sheegay in maadaama ingiriiska ay qorsheeneyso sidii ay kaga go’i laheyd midowga yurub ay dooneyso in xariir wanagsan uu dhaxmaro gobolka.

