Sarkaal Ka Tirsan Al-shabaab oo Lagu Qabtay Magaaladda Muqdisho

0

Sarkaal ka tirsan Xarakadda Al-shabaab gaar ahaan qeybta amniyaaadka  oo ah kuwa fuliya dilalka qorshaysan ayaa maanta lagu qabtay Magaaladda muqdisho.

Howlgal ay fuliyeen ciidamada NISA ayaa la sheegay in lagu soo qabtay mid kamida ciidamadda amniyaadka ee Alshabaab, sida ay baahisay Hay’ada NISA.

“27-ka Agoosto, 2018, howlgal qorshaysan ay fuliyeen ciidanka amaanka dowlada federalka Soomaaliya waxaa lagu soo qabtay xubin Amniyaadka Alshabab ah. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Tani waxay tusaale u tahay shaqada adag ee ciidanka amnigu ku sugayo nabadgalyada & xasiloonida…” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay NISA.

Ciidamada Nisa ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay soo qabashadda ragga ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab,balse lama shaacinin halka laga soo qabtay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here