Barakac Ka Socda Marka Iyo Maamulka Oo Jawaab Xoogan Ka Bixiyay + Dhageyso

0

Mamulka degmadda Marka ee gobolka shbeelaha hoose ayaa ka hadlay barakaca laga sheegayo in ay ka jiraaan gudaha degmaddaaasi.

Gudoomiyaha degmadda marka Xasan Cumar Macalin oo wareysi gaar ah siinyay Idaacadda Simba ee magaladda Muqdisho ayaa waxaa uu tilmaamay in degmadda ay ka barakaceen shacabka ku sugnaa ,balse sidda loo buun biiniyay aysan ahayn.

Xasan Cumar Macalin oo ah Waxaa uusheegay in degmadda ay gacanta ku hayaan ciidmadda xoogga kuwaasina ay sugay amnigeeda.

Dadka barakacaya ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in dushooda lagu dagaalamo,isla markaana ay waxyeelo ka soo gaarto hase yeeshee Gudoomiyaha degmada ayaa shacabka degmadda u sheegay in ay inaysan wax yar kacay ay degmadda oo dhan ay ugu barakacaan asigoona tilmaamay in tiradda qoysaska ay gaarayaan 3 qoys kuwaaasi oo cabsi ay gashay kaliya ay sabab tay in ay  barakacaan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaalada degmada ay tahay mid yara kacsan sababa la xiriira shacabka oo cabsi xoogan ka qaba in mar kale weeraro dhiig ku daato lagu soo qaado magaaladaasi.

Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay qiyaas ahaan qoysaska ka barakacay magaalada iney gaarayaan 47 qoys oo ku dhaqnaa gudaha degmada Marka ee gobalka shabeellaha hoose.

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa ku sugan degmadda marka kuwaasi oo labo maalin ka hor ay la wareegay qeybo kamid ah magaalada.Hase yeshee ciidamo katirsan Xarakadda Al shabaab ayaa shalay weerar khasaare dhaliyay ku qaaday kawaanka ugu wayn magaladda iyo  saldhigga degmadda  halkaasi oo ay fariisamo ay ku lahaayen Ciidamadda xogga dalka Soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here