Ciidamada Soomaaliland ayaa gacanta ku dhigay wasiiro kamid ahaa xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) kuwaa oo laamaha amaanka ay sheegeen iney si dhuumaaleysi ahaa kusoo galeen dhulka Jamhuuriyada ictiraaf raadiska ee Soomaaliland doonayayna iney kasii baxsadeen.
Wasiirada xukuumadii Cabdi Iley ee lagu qabtay hargeysa ayaa kala ah wasiirka caddaaladda Cabdi Jaamac iyo Wasiirka waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalida Ibraahim Aadan Mahad oo dhanka xuduudka Wajaale kaga gudbay si qarsoodi ah, balse laamaha amaanka Soomaaliland ayaa sheegay in labada Masuul gacanta lagu dhigay iyaga oo doonayay iney gaaraan caasimada Soomaaliya.
Laamaha amaanka Soomaaliland ayaa dhanka kale sheegay labada wasiir iney shegteen iney yihiin ganacsato kasoo cararay kacdoonkii Magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali Galbeed.
Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii maamulka Soomaali Galbeed Cabdi Maxamuud Cumar oo sanado xukumayay Maamulkaas, islamarkaasna xilkaas loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed, oo siyaasad ahaan lamid ahaa madaxweynihii maamulka isku koobay Cabdi Ileey.
Madaxweynaha cusub ee maamulka Soomaali Galbeed Mustafe Cagjar ayaa lasoo shaqeeyay Hay’addaha QM, gaar ahaan Hay’adda OCHA,wuxuuna kamid ahaa mucaaradka madaxweynihii Hore.

