Ciidamada Dowladda Oo Toogtay Tiro Dad Ah Oo La Socday Gaari Waday Meyd+Sawirro

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa toogasho ka dhacday gaadiid waday meydka Marxuum Dhaqane Muxumed Aaden oo marayay Isgoyska Taraqa Iyo Sigaarka (IVECO) ee magaalada Muqdisho.

Mid kamid ahaa dadkii saarnaa gaari Ambulance oo waday meydka Marxuum dhaqane ayaa Simba u sheegay inuu arkayay askar katirsan ciidamada dowladda oo rasaaseynaya gaariga Ambulance ee waday meydka ruux maanta ku geeriyooday mid kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay rasaasta askarta ay ku fureen gaariga ayaa waxaa ku dhintay hal ruux oo magaciisa lagu sheegay Marxuum Axmednuur Xasan Xuseen oo 28 sano Jir ahaa sido kale ahaa xammaali.

Dhanka kale waxaa jiro dhaawacyo ka dhashay rasaasta lagu furay gaariga waday meydk oo loola cararay isbitaalada waaweyn ee ku yaal gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here