Kooxo hubeysnaa ayaa caawa Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa oo xarun timaha lagu Jaro kulahaa xaafada baar Ha’idhafin qeybta degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah rag ku hubeysnaa bastooladdo ayaa fuliyay dilka,waxayna durbadiiba ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Barre (Kuusow),sidoo kale kooxaha hubeysan ayaa dhaawacay wiil kale oo dhalinyaro ah oo ku sugnaa goobta.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana goobta soo gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda SoomaaLiya waxaana socda baaritaano lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka.
Dhanka kale ehelada marxuumka la dilay ayaa waxa ay sheegeen in wiilkooda uusan wax lug ah ku laheyn arrimo siyaasadeed, keliya uu ka shaqeynayay goob timaha oo ku taalla Baar Ha’idhaafin.
Ma Jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda dilkaan caawa ka dhacay Degmada Waabari ee Gobolka banaadir.

