Cutubyo katirsan ciidamada dowladda oo shalay la wareegay amaanka magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta fuliyay howlgal lagu soo qab qabtay dhalinyaro lala xiriirinayo dagaalyahanada Xarkada Al shabaab.
Howlgalkan ayaa imaaday kadib markii ciidamo katirsan dowladd iyo kuwa AMISOM ee shalay la wareegay gacan ku heynta magaalada lagu weeraray laba qarax oo ahaa miinooyinka kuwa dhulka lagu aaso oo ay ka danbeeyeen xubnaha Al shabaab u qaabilsan dhanka Miinooyinka SH/Hoose.
Maamulka degmada Marka ayaa xalay kulan la qaatay saraakiil uu hogaaminayay abaan duulihii ciidanka xooga Soomaaliya Janaraal Cabdullahi Cali Caanood oo la wareegay amaanka magaalada, waxii ka danbeeyay kulanka masuuliyiintaasi waxaa magaalada ka dhacay howlgalo lagu soo qab qabtay qaar kamid ah dhalinyarada degmada Marka oo lala xiriirinayo iney gacan saar la leeyihiin Al shabaab.
Sarkaal katirsan ciidamada dowladda oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay inuu jiro howlgalkaasi, balse waxuu ka gaabsaday inuu wax fah faahin ah ka bixiyo tirada dadka lagu soo qab qabtay howlgalka.
Sawirro lagu baahiyay warbaahinta ayaa muujinayay dhalinyaro laga xir xiray wajiga oo fadhiya goob uu kasoo muuqanayay abaan duulihii ciidanka Xoogga Soomaaliya Janaraal Cabdullahi Cali Caanood.





