Qaar kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare in uu si sharraf leh isku casilo.
Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow oo kamid ah Xildhibaanadda Hir-shabeelle oo la hadlay idaacadda Simba ee Muqdisho ayaa sheegay in Waare uu dib u dhac u horseeday Hir-shabeelle,islamarkaana ay haboontay in uu xilka isaga dago.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Guddoonka Hir-shabeelle ay u gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Waare iyo ku-xigeenkiisa ayna rajeynayaan in shacabka laga hor wareejiyo.

