Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay in uu Doonayo Burburinta Dowladda Soomaaliya+Dhageyso

0

Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa eedeeen culus u jeediyay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Waxa ay sheegeen xildhibanadaan in Dowladda Imaaraadka ay faragalin qaawan ku hayso arrimaha Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay lacag siinayso dowladda kale si loo burburiyo dowladda Dhexe.

Xildhibaanadaan oo gaaraya ilaa iyo 21 mudane ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxa ay ugudbiyeen mooshin ka dhan ah heshiiskii Dekedda Bosaaso oo ay Puntland 2 sano ka hor ay la gashay shirkada laga leeyahay Imaaradka Carabta ee DP world .

Waxa ay sheegeen in shirkada mudadii 2 sano ahayd oo ay gacanta ku haysay Dekedda Boosaaso aysan qaban wax shaqo ah ,taa badalkeedna ay iska guranayso Canshuur sharcidaro ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here