Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), ayaa galabta safar deg deg ahaa ugu amba-baxay Magaaladda Abuu Dubai ee dalka Isutaga imaaraadka Carabta.
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo, ujeedka safarkaan ayaa ah in uu Lacago kaash ah kusoo shubto gudoomiyaha Bankiyo ku yaala Dubai maadaama xilka laga qaadayo todobaadyadda soo socda kadib markii uu ku fashilmay hogaaminta Maamulka Gobolka Banaadir.
Dhanka kale Hanti dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa wada baaritaan arintan ku saabsan waxaana laga yaabaa in La xiro Duqa Magaaladda Muqdisho marka uu dalka kusoo laabto, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo.
Eng Yariisow oo xilkaan loo magacaabay sanadkaan 2018-ka kadib markii la ceyriyay Taabid Cabdi Maxamed ayaa wax muuqda aan ka badalin maamulka Gobolka banaadir, sidoo kale waxaan dhaqan galin amaro uu soo saaray.
Duqa Muqdisho oo tan iyo markii xilkaan uu qabtay kawada gudaha Magaaladda Muqdisho Xafladdo xiriir ah oo ku baxaya dhaqaalo badan oo hantida shacabka Soomaaliyeed,waxaana Magaaladda ka muuqda Nadaafad daro tii ugu xumeyd ebed.
Dhanka kale Eng yariisow ayaa shaqsiyad saaxiibo dhaw yihin u magacaabay Xafiisyada ay ka baxaan dhaqaalaha gobolka waxaana yaraaday lacagaha ka baxa iyadoo dhamaan dhaqaalahaasi ay gacanta ugu jiran shabakadd uu isaga madax u yahay.
Arintaan ayay ku micneeyeen dadka siyaasadda falanqeeya mid guddoomiye Yariisow uu ku doonayo inuu ku afduubto dhaqaalaha ka soo xarooda ilaha dhaqaalaha Gobolka Banaadir.
Dhanka kale wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maalmaha soo socda xilka laga qaadi doono Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow),kadib markii uu ku fashilmay Gobolka Banaadir.
Shiikh Cumar oo ah Gudoomiyaha degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir sidoo kalana kamid ah Xisbiga tayo ee madaxweyne Farmaajo, Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo ah wasiirka Amniga iyo Yuusuf Jaalle oo dhowaan laga joojiyay shaqada Hay’adda Saadaasha Hawada ayaa laga yaabaa in midkood loo magacaabo Xilka gudoomiyaha Gobolka banaadir.

