Chris Watts oo 33jir ah oo maxkamad ka soo muuqday markii u horraysay maalin ka dib markii la xiray ayaa sheegay in uu dawladda waydiisanayo waxa uu xaqa u leeyahay.
Waxaa la sheegay in uu qirtay in uu dilay qoyskiisa, sida ay warbaahinta guduhu tabiyeen.
Xaaska ninkaas Shanann Watts oo 34 jir ah oo lahayd uur 15 toddobaad ah ayaa Isniintii la sheegay in la la’yahay.
Labo gabdhood oo ay dhaleen lamaanahaas Celeste oo saddex jir ah iyo Bella oo afar jir ah ayaa la sheegay in la la’yahay isla wakhtigaas.
Ma jirto dacwad rasmi ah oo wali kiiskaas laga soo gudbiyay, balse waxaa laga yaabaa in Watts uu wajaho dacwado dil iyo saddex dacwadood oo kale oo ah in uu qarinayo caddaymo, sida uu sheegay xabsiga Weld County Jail ee ku yaalla Colorado.
Marcelo Kopcow oo ah xaakim ayaa la sheegay in uu dacwad oogeyaasha u sheegay in ay soo gudbiyaan dacwad rasmi ah Isniinta, si dhagaysiguna uu u billawdo Talaadada.
Madaxa xafiiska dambi baarista ee Colorado John ayaa shir jaraa’id ka sheegay Khamiistii “hadda waxaa noo suuragashay in aan mayd helno, waxayna u badan tahay in uu yahay maydka Shanann Watts.
“Waxaan haynaa sabab xoog badan oon ku dhihi karno waxaan ogaanay meesha ay ku jiraan maydadka carruurta, waxaana billawday dadaalo lagu soo saarayo”.
Maydka waxaa laga helay dhismaha Anadarko Petroleum Company, sida ay warbaahinta guduhu sheegtay.
Watts ayaana shirkaddaas u shaqayn jiray, sida laga helay diiwaanka maxkamadda musalafka, sida uu ku warramay Denver Post.
Hay’adda dambi baarista Maraykanka ee FBI ayaa sidoo kale loogu baaqay in ay gacan ka gaysato baadigoobka, waxaana la baahiyay tilmaanta qoyska si ay si sahlan ugu aqoonsadaan.
Booliiska ayaa baaritaan billaabay ka dib markii saaxiib u dhaw Shanann uu ku wargaliyay in aysan qabanaynin taleefankeeda.

